Doorashada soo socota Maine waa Talaadada, Noofembar 3. Haddii aadan diiwaan gashanayn oo boostadu wax kuu keeni karto, fadlan codbixi adigoo aan iman goobta codbixinta. Taasi waxay yaraynaysaa dadka badan ee isugu ururaya goobta codbixinta, waxayna yaraynaysaa khatarta ku iman karta shaqaalaha codbixinta iyo dadka codbiyaan. Marka aad soo dirto codsigaaga, waraaqaha codbixintu waxa kuugu imanayaan boostada ugu danbayn Oktoobar.
HALKAN KA CODSO TILMAAMAHA CODAYNTA ADOO MAQAN
WAA MAXAY CODAYNTA ADIGOO MAQAN?
Waa kuwan xaqaa’iq sahlan. Codbixinta adigoo maqan waxay kuu oggolaanaysaa inaad codkaaga dhiibato adigoo aan tagin goobta cod bixinta Maalinta Codaynta. Waa howl fududeyn khaasatan inta lagu jiro COVID-19. Waana qarsoodi. In la codeeyo adigoo maqan way dhibyartahay, waxayna qaadanaysaa 3 tallaabo oo kaliya. Halkan ka fiiri tilmaamo fudud.
Cod bixiyaha Diiwangashan:
Qof kasta oo Maine ka diiwaangashan wuxu codbixin karaa goor hore isagoo. Waxaad ku codsan kartaa boostada, telefoonka ama online, ama adigoo tagaya xafiiska si aad codsato warqadaha codbixinta adigoo maqan. Wixii faahfaahin ah ee dheeraad ah, halkan ka riix Bogga Xoghayaha Gobolka. Markaad codsato, warqadahaagu waxay imanayaan Oktoobar. Warqadaha codbixintaadu waa in ay soo gaadhaan karraaniga magaaladaada ugu danbayn 8:00 galabnimo ee maalinta codbixinta, Noofembar 3.
Cod bixiyaha aan Diiwangashanayn:
Cod bixiyaha aan diiwaangashanayn wuxu isaguna codsan karaa waraaqaha codbintanta. Waxa laguu soo raacin doonaa kaarka isdiiwaangelinta cod bixiyaha, waxaanad u baahan doontaaa inaad codsigaaga soo raaciso dukumentiyada lagaaga baahan yahay oo dhan.
Su’aalaha soo noqnoqda:
Maxaa dhcaya haddii aan isbeddelo oo aan doorto inaad ka codbixyo goobta codbixinta? Waxaad codsan kartaa waraaqaha cod bixinta dadka maqan, ka dibna waxad go’aansan kartaa inaad cod bixiso adigoo goobta jooga. Marka xafiiska dowladda hoose uu helo cod bixintaada waxa lagugu qori doonaa inaad cod bixisay, haddiise aadan soo dirin codbixintaada, waxa tagi kartaa xafiiska adigoo ka cod bixinaya.
Imisa istiikar (farankaboolo) ayaan ku dhajinayaa baqshadda aan ku ridayo waraaqaha cod bixinta? Ururku wuxu soo jeedinayaa in 1-2 bog oo xaashiyaha cod bixiyaha ahba lagu dhajiyo hal istikarka heerka koobaad. Intii hal bog ka badanin waxay u baahan doonaan istiikarro (farankaboolo) dheeraad ah. Sida caadiga laba xabbo ayaa ku filan.
Sidee ayaan ku hubsan karaa 100% in karaanigu helo cod bixintayda? Waa wax dhibyar! Waxaad ka cod bixin kartaa xafiiska dowladda hoose iyadoo aan la gaadhin cod bixinta. Siday u dhici kartaa? Waxaad u baahan tahay oo kaliya inaad booqato xafiiska dowladda hoose, oo waxaad codsanaysaa waraaqaha cod bixinta, gaarigaaga la tag oo soo buuxi, ku soo noqo oo u dhiib karraaniga. Waxase ay magaalooyin badani sameeyaan sanaaduuq xafiiska bannaankiisa la dhigo oo lagu rido cod bixinta, haddii aadan rabin inaad boostada soo dhigto.
Maalinta ugu Danbaysa ee aad Codsan Karto in aad adigoo maqan Cod Bixiso
Maalinta ugu danbaysa ee aad codsan karto inaad cod bixiso adigoo maqan waa jimcaha ka horreeya maalinta cod bixinta. Cod bixinta Noofembar 3, waxaad codsan kartaa in lagu siiyo waraaqaha cod bixiyaha maqan adigoo aan wax cudurdaar ah sheegan ilaa iyo Oktoobar 30 keeda. Wixii ka danbeeya Oktoobar 30 keeda waxaad codsan kartaa cod bixinta dadka maqan haddii sababahan mid ka mid ahi jirto:
- Safar lama filaan ah haddii uu kugu yimaaddo oo aad maqnaanayso maalinta cod bixinta oo dhan.
- Laxaad la’aan, ama tabar la’aan iyo xanuun keena inaad guriga ama xarun caafimaad ka bixi kari weydo.
- Haddii qofku daggan yahay jasiirad oo uuna iman karin goobta codbixinta
- Xanuun keena inaad guriga ama xarun caafimaad ka bixi kari weydo