Maxaa loo codeeyaa?
Waxaad isbeddel wayn ka samayn kartaa habka magaaladaada, gobolkaaga iyo waddanka loo maamulo.
Codayntaydu qarsoodi ma tahay?
Haa, codayntaadu waa qarsoodi. Qofna ma ogaanayo sidaad u codaysay haddii aadan u sheegin.
Yaa codayn kara?
Maine waxaad codayn kartaa haddii aad:
- Tahay muwaaddin Maraykan ah
- Daggan tahay Maine.
- Tahayna 18 jir ama ka wayn
Waa goorma Maalinta Doorashadu?
Maalinta Doorashadu waaTalaadada, Noofembar 8, 2022.
Isu Diiwaangelinta Codaynta
Sideen isu diiwaangeliyaa si aan u codeeyo?
Waxaad isu diiwaangelin kartaa inaad codayso Maine haddii:
- Aad tahay 18 jir ama ka weyn oo muwaaddin Marayka ah, degenna Maine.
- Aad tahay 17 jir noqon doonaa 18 Maalinta Doorashada.
- Haddii aad tahay 16, wali waxaad buuxin kartaa kaarka isdiiwaagelinta, waxaanad xaq u yeelan doontaa inaad codayso markaa noqoto 18.
Dadka lagu xukumay danbi ama ku jira xabsigu weli way codayn karaan. Haddii aad xabsi ku jirto, waxaad iska diiwaangelin kartaa magaaladii aad dagganayd intaan lagu soo xirin si aad u codayso, waxaad u codaynaysaa sida qof maqan.
Dadka hoy-laawaha ah way codayn karaan. Haddii aad tahay hoy-laawe, waxaad iska diiwaangelin kartaa meesha aad seexato xaafadda ay ka tirsan tahay. Taasi waxay noqon kartaa guryaha dadka hoy-laaweyaasha ah, guri aad saaxiib la daggan tahay, ama bannaanka.
Waxaad u baahan doontaa Aqoonsi Sawir leh iyo caddayn meesha aad daggan tahay.
Waxa ka mid ah Aqoonsiga Sawirka leh:
- Aqoonsi dowladdu bixisay oo sawir leh (sida Liisanka Baabuur-wadista, Aqoonsiga Gobolka, Baasaboorka Maraykanka ama Aqoonsiga Milatariga)
- Aqoonsiga Dowladda oo aan lahayn sawir (sida warqadda dhalashada ama kaarka sooshalka oo saxeexan)
- Kaar dowli ah oo muujinaya magaca iyo cinwaanka codbixiyaha (sida kaarka caydha, biilasha korantata iwm., waraaqaha xisaabaadka bankiga, jeeg dowladda ka yimid, ama jeegga shirkadda aad u shaqayso)
- Lambar khaas ah oo lagugu aqoonsan karo (Sida lambarka liisanka baabuur-wadista ee Maine ama afarta lambar ee u danbeeya sooshalkaaga)
Waxyaabaha caddayn kara deegaankaaga waxa ka mid ah kuwan hoose:
- Caddayn qoraal ah oo aad ku muujinayso meel aad dagi doonto
- Meel aad haatan daggan tahay nooc kasta oo ay tahay
- Meel aad gaarigaaga ku diiwaangelisay (haddii aad baabuur leedahay)
- Warqadda canshuur-celintaadii u danbeysay oo muujinaysa cinwaankaaga
- Cinwaanka la daggan yahay ee boostadu kuugu timaad
- Cinwaanka la daggan yahay ee kuugu qoran liisanka ugaarsiga ama kalluumaysiga
- Cinwaanka la daggan yahay ee ku muujisan liisnakaaga
- Mutaysigaaga gargaarka dadweyne (caydha) ee ku xiran deegaankaaga
- Wax Alla wixii kale ee caddayn ah ee muujinaya meesha aad daggan tahay
Waxaad isu diiwaangelin kartaa si aad u codayso doorashada Noofembar 8, 2022:
- Adigoo boostada dhigaya. Waa in karaaniga magaaladaadu isdiiwaangelintaada helaa ugu danbayn Oktoobar 18.
- Aad iska qorto goob diiwaangelin ka hor Oktoobar 18. (Xanuunka COVID dartiis waxa jiri doona goobo is-diiwaangelin oo sidii hore ka yar.)
- Xafiiska Waaxda Gaadiidka.
- Adigoo taga xafiiska dowladda hoose mar kasta oo aad doonto, oo ay ku jirto Maalinta Doorshada ee Noofembar 8, 2022
- Adigoo isticmaalaya hay’ad kale ilaa laga gaaro Oktoobar 18.
- Goobta codbixinta ee xaafaddaada Maalinta Codbixinta ee Noofembar 8, 2022.
Isticmaal cinwaakan oo daabac kaarka codbixinta:
https://www.maine.gov/sos/cec/elec/images/VoterRegistrationCard20.pdf
Waa inaad buuxiso kaarka is-diiwaangelinta:
- Waa inaad buuxiso xagga hore iyo xagga danbeba.
- Saxeex taariikhna ku dhig.
- Khasab ma aha inaad xisbi siyaasi ah ku biirto si aad u codayso. Haddii aadan doonayn inaad xisbi siyaas ku biirto, calaamadee halka ay kaarka kaga taallo “Unenrolled” (Ma diiwaangashani).
Inta aadan Codbixin
Xaggeen ka codbixiyaa?
Magaalooyinka qaar waxay yeelan karaan meelo kala duwan oo laga codbixiyo. Si aad u hesho meesha aad ka codaynayso:
- Wac xafiiskaaga Dowladda Hoose.
- Booqo bogga: www.maine.gov/portal/government/edemocracy/voter_lookup.php
Xillima ayaan codayn karaa?
- Goobaha codayntu waxay furan yihiin 6:00 ilaa 10:00ka subaxnimo Maalinta Doorashada. Xilliga furista codaynta magaalooyinka oo dhani kama sinna.
- Dhammaan goobaha codaynta waxa la xiraa 8:00 fiidnimo.
- Haddii aad safka ku jirto 8:00 fiidnimo, lagaama celin doono inaad codbixiso, waanad codayn kartaa.
Sideen isaga ilaalin karaa dadka badan meeshan aan ka codaynayo?
- Iska ilaalinta COVID ayaa laga yaabaa inay gaabiyaan socodka codaynta.
- Maadaama dadku ay kala durki doonaanm waxa laga yaabaa in laymanku kula dheeraadaan iyagoo aan sidaa u dheerayn.
- Waxaad kaga raysan kartaa walwalka ku qabsan kara adigoo horey isaga sii codeeya oo aan tagin goobta codbixinta.
Maxaa diyaargarow ah ee magaalooyinku ka sameynayaan si looga badbaado COVID marka la tago goobaha codbixinta?
- Iyadoo la yareeyo dadka halmar ku wada sugan goobaha codbixinta.
- Sanduuqyada codaynta oo la kala durkiyo si loo kala fogaan karo.
- Iyadoo la nadiifiyo goobaha codaynta mar kasta oo qof isticmaalo.
- Iyadoo codbixiyeyaasha loo sheego inay xirtaan maaskaraati.
- Muraayado difaacaya kormeerayaasha doorashada.
Ma arki karaa xaashida doorashada codbixinta ka hor?
Haa, maamulka magaaladaadu waxay haysaa xaashi tusaale ah. Fiiri bogga internetka.
Maxaa dhacaya haddii magacayga laga waayo goobta codaynta?
- Karraaniga codaynta ayaa ku caawinaya.
- Waxa laga yaabaa inaad u baahato inaad is diiwaangeliso si aad u codayso. Waxaad iska diiwaangelin kartaa goobta codbixinta. Waa inaad wadataa aqoonsi iyo wax muujinaya cinwaanka aad daggan tahay. Liisan dirawal oo cinwaankaaga saxda ahi ku yaallo ayaa shuruudda buuxinaya. Haddii kale buuggaaga bankiga ama biil laguugu soo diray cinwaankaaga cusub oo ay la socdaan kaarka sooshalka, warqad dhalasho ama liisanka kalluumaysiga/ugaarsiga.
- Haddii intaa howshaada lagu xallin waayo, waxad ridan kartaa “Codayn Dood ku Jirto”. Codayntaada maalinta codaynta waa la tirinayaa laakiin dib ayaa howshaada laga xallin doonaa.
Miyaan u baahanahay Aqoonsi?
Maya dadka reer Maine ee u diiwaangashan inay codeeyaan loogama baahna aqoonsi. LAAKIIN, Waa inaad wadato aqoonsigaaga iyo caddayn cinwaankaaga (sida biil guri iyo liisankaaga wadista) haddii:
- Ay tahay markii kuugu horraysay ee aad codayso.
- Aad guurtay.
- Aad u baahan tahay inaad is-diiwaangeliso maalinta doorashada.
Ha walwalin- Qofkii xaq u leh inuu codaeeyo lagama celin karo.
Cod Bixi Adigoo Maqan
Doorashada soo socota Maine waa Talaadada, Noofembar 8. Haddii aadan diiwaan gashanayn oo boostadu wax kuu keeni karto, fadlan codbixi adigoo aan iman goobta codbixinta. Taasi waxay yaraynaysaa dadka badan ee isugu ururaya goobta codbixinta, waxayna yaraynaysaa khatarta ku iman karta shaqaalaha codbixinta iyo dadka codbiyaan. Marka aad soo dirto codsigaaga, waraaqaha codbixintu waxa kuugu imanayaan boostada ugu danbayn Oktoobar.
HALKAN KA CODSO TILMAAMAHA CODAYNTA ADOO MAQAN
WAA MAXAY CODAYNTA ADIGOO MAQAN?
Waa kuwan xaqaa’iq sahlan. Codbixinta adigoo maqan waxay kuu oggolaanaysaa inaad codkaaga dhiibato adigoo aan tagin goobta cod bixinta Maalinta Codaynta. Waa howl fududeyn khaasatan inta lagu jiro COVID-19. Waana qarsoodi. In la codeeyo adigoo maqan way dhibyartahay, waxayna qaadanaysaa 3 tallaabo oo kaliya. Halkan ka fiiri tilmaamo fudud.
Cod bixiyaha Diiwangashan:
Qof kasta oo Maine ka diiwaangashan wuxu codbixin karaa goor hore isagoo. Waxaad ku codsan kartaa boostada, telefoonka ama online, ama adigoo tagaya xafiiska si aad codsato warqadaha codbixinta adigoo maqan. Wixii faahfaahin ah ee dheeraad ah, halkan ka riix Bogga Xoghayaha Gobolka. Markaad codsato, warqadahaagu waxay imanayaan Oktoobar. Warqadaha codbixintaadu waa in ay soo gaadhaan karraaniga magaaladaada ugu danbayn 8:00 galabnimo ee maalinta codbixinta, Noofembar 8.
Cod bixiyaha aan Diiwangashanayn:
Cod bixiyaha aan diiwaangashanayn wuxu isaguna codsan karaa waraaqaha codbintanta. Waxa laguu soo raacin doonaa kaarka isdiiwaangelinta cod bixiyaha, waxaanad u baahan doontaaa inaad codsigaaga soo raaciso dukumentiyada lagaaga baahan yahay oo dhan.
Su’aalaha soo noqnoqda:
Maxaa dhcaya haddii aan isbeddelo oo aan doorto inaad ka codbixyo goobta codbixinta? Waxaad codsan kartaa waraaqaha cod bixinta dadka maqan, ka dibna waxad go’aansan kartaa inaad cod bixiso adigoo goobta jooga. Marka xafiiska dowladda hoose uu helo cod bixintaada waxa lagugu qori doonaa inaad cod bixisay, haddiise aadan soo dirin codbixintaada, waxa tagi kartaa xafiiska adigoo ka cod bixinaya.
Imisa istiikar (farankaboolo) ayaan ku dhajinayaa baqshadda aan ku ridayo waraaqaha cod bixinta? Ururku wuxu soo jeedinayaa in 1-2 bog oo xaashiyaha cod bixiyaha ahba lagu dhajiyo hal istikarka heerka koobaad. Intii hal bog ka badanin waxay u baahan doonaan istiikarro (farankaboolo) dheeraad ah. Sida caadiga laba xabbo ayaa ku filan.
Sidee ayaan ku hubsan karaa 100% in karaanigu helo cod bixintayda? Waa wax dhibyar! Waxaad ka cod bixin kartaa xafiiska dowladda hoose iyadoo aan la gaadhin cod bixinta. Siday u dhici kartaa? Waxaad u baahan tahay oo kaliya inaad booqato xafiiska dowladda hoose, oo waxaad codsanaysaa waraaqaha cod bixinta, gaarigaaga la tag oo soo buuxi, ku soo noqo oo u dhiib karraaniga. Waxase ay magaalooyin badani sameeyaan sanaaduuq xafiiska bannaankiisa la dhigo oo lagu rido cod bixinta, haddii aadan rabin inaad boostada soo dhigto.
Maalinta ugu Danbaysa ee aad Codsan Karto in aad ADIGOO MAQAN COD BIXISO
Maalinta ugu danbaysa ee aad codsan karto inaad cod bixiso adigoo maqan waa khamiista ka horreeya maalinta cod bixinta. Cod bixinta Noofembar 8, waxaad codsan kartaa in lagu siiyo waraaqaha cod bixiyaha maqan adigoo aan wax cudurdaar ah sheegan ilaa iyo Noofembar 3 keeda. Wixii ka danbeeya Noofembar 3 keeda waxaad codsan kartaa cod bixinta dadka maqan haddii sababahan mid ka mid ahi jirto:
- Safar lama filaan ah haddii uu kugu yimaaddo oo aad maqnaanayso maalinta cod bixinta oo dhan.
- Laxaad la’aan, ama tabar la’aan iyo xanuun keena inaad guriga ama xarun caafimaad ka bixi kari weydo.
- Haddii qofku daggan yahay jasiirad oo uuna iman karin goobta codbixinta
- Xanuun keena inaad guriga ama xarun caafimaad ka bixi kari weydo
Codbixinta Doorashada Kala Sarreysa
Waa maxay Codbixinta Doorashada Kala Sarreysaa?
Doorashada Kala Sarreysaa (Ranked Choice Voting) waxay suuragelisaa inuu qofku wax u doorto sida uu jecelyahay.
Siday u shaqeysaa Codbixinta Doorashada Kala Sarreysa?
- Codbixiyeyaashu waxay kala hormariyaan murashixiinta siday u kala jecel yihiin: codka koobaad, ka labaad ka saddexaad, iyo wixii ka sarreeya.
- Marka la tiryo waraaqaha codaynta oo dhan, haddii hal murashax helo in ka badan 50% codka darajada koobaad wuu guulaysanayaa.
- Haddii uu murashaxna heli waayo 50% oo ah codadka heerka koobaad, murashaxa hela codadka ugu yar ayaa loo aqoonsanayaa in laga adkaaday.
- Codbixiyeyaasha doortay murashaxa helay codadka ugu yar ayaa dabadeedna codkooda loogu darayaa qofka ay siiyeen heerka labaad ee doorashada.
- Waxa sidaa lagu wadayaa ilaa laba murashax oo kaliya soo haraan. Ka ugu cod bataana sidaasuu ku badinayaa.
Maxaan murashaxiinta u kala siinayaa cod darajooyin kala sareeya?
- Haddii laga adkaado qofkii aad siisay doorashada koobaad, codayntaadu waxay wali wax tari kartaa qofka aad siisay codka heerka ku xiga.
- Waxba yeeli mayso qofka aad ugu jeclayd inaad dadka kale siiso codad ka hooseeya. Codadkaas waxa kaliya oo la xisaabinayaa haddii murashaxaagii laga adkaado.
- Waxba u tari mayso murashaxii aad jeclayd haddii kaligii uun aad ku qorto warqadda doorashada. Mar walba doorashadaada heerka koobaad waa la la xisaabinayaa ilaa murashaxaaga laga adkaado.
Sideen isaga ilaaliyaa inaan khaldo warqaddayda doorashada?
- Sakadda gudban ee kasta hal goobo kaliya ka calaamadi.
- Sakadda qotonta ee kasta hal goobo kaliya ka calaamadi.
- U codee doorasho kala darajo sarreeya intii murashax ee aad doonto.
- Khasab ma aha murashax aadan rabin inaad ku darto doorashada heerarka kala sarraysa.
- Haddii aad khalad sameyso, karraaniga weydiiso warqad cusub.
- Caawimaad waydiiso. Kaliga ma noqon doontid qofka su’aal qabaa!
Tusaalaha, murashaxa 2aad ayaa ah doorashadaada koobaad, goobaabinta ku aaddan ayaana la buuxiyey. Murashaxa 1aad ayaa ah doorashada 2aad. Murashaxa 3aad ayaa ah doorashada 3aad.
Haddii aad hubto murashaxa aad u jeceshahay oo aad rabto inaad midkaa kaliya uun u codayso, markaa waxaad buuxinaysaa goobaabinta ku aaddan “doorashada 1aad” (ikhtiyaarka 1aad) oo kaliya. Inta kalena waxaad iskaga tagi kartaa iyagoo madhan.
Haddii aad doonayso inaad doorato laba murashax oo aad kala horraysiisay oo kaliya, waxaad buuxinaysaa goobaabinta ku aaddan “doorashada 1aad” iyo ta “doorashada 2aad” oo kaliya, waxaanad iskaga tagaysaa ta “doorashada 3aad” oo madhan.